Published On: Sat, Jul 13th, 2019

Faahfaahin ku saabsan dadkii qurbaha ka tagay ee ku dhintay weerarkii Kismaayo

Maamulka Jubbaland oo sharraxaad ka bixiyay khasaarihii ka dhashay weerarkii qaraxa ku billowday ee Jimcadii lagu qaaday Hoteelka Madiina ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in qaarkood ay ahaayeen dad heystay dhalashooyinka dalal ajaanib ah.

Maxaweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”, oo shir jaraaid ku faahfaahiyay dhacdada ayaa xaqiijiyay in 26 ruux oo halkaas ku geeriyootay ay ku jireen 9 ruux oo qurbaha ka tagay.

Sida uu Axmed Madoobe sheegay, dadkaas ayaa kala ahaa:

3 qof oo Soomaali Kenyan ah.

1 qof oo Soomaali Canadian ah.

1 qof oo Soomaali British ah.

2 qof oo Soomaali American ah.

3 qof oo Soomaali Tanzanian ah.

56 ruux oo kale ayaa lagu dhaawacay weerarkaas oo lasoo afjaray saacadihii hore ee maanta.

wuxuu ahaa weerarkii ugu ciuslaa ee muddo sannado ah ka dhaca magaalada Kismaayo, oo xarun u ah maamul goboleedka Jubbalad, waxaana mas’uuliyaddiisa sheegatay xarakada Al-Shabaab oo gacan saar la leh ururka Al-Qaacida.

BBC

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300