Published On: Wed, Jul 10th, 2019

Trump oo isaga is amaanay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maamulkiisa ku amaanay dadaallada ku aadan ilaalinta deegaanka, waxaa uu dhaleeceen u jeediyay tallaabooyinka ay ku wajahayaan arrintaas xisbiga Dimuqraadiga.

Waxaa uu amaanay siyaasaddiisa ku wajahan wax ka qabashada ilaalinta wasakaheynta hawada iyo biyaha isla markaasna uu dalkaas ka sameeyay shaqooyin ku saabsan tamarta.

Waxaa uu sidoo kale difaacay tallaabadii uu kaga baxay heshiiskii cimilada ee Paris sannadkii 2015-kii.

“In la ciqaabo shacabka Amerikaan ah ma aha waddada ugu wanaagsan ee lagu soo saarayo deegaan la ilaaliyay ama dhaqaale xooggan” ayuu yiri Trump.

Balse dadka u ololeeyo arrimaha deegaanka ayaa ku dhaliilay siyaasadaha dib u dhaca sababi karo ee uu wado madaxweynaha marka ay timaaddo ilaalinta deegaanka.

Muxuu yiri Trump?

Khudbadda Trump waxay diiradda saareysay siyaasadihiisa ku saabsan dhaqaalaha balse ma uusan soo hadal qaadin isbaddalada cimilada.

“Maalin uun inta aan maamulka hayo, wuxuu maamulkeyga ka shaqeynayaa in muhiimadda koowaad aan ka dhigo sidii shacabka Mareykanka ay u heli lahaayeen hawo iyo biyo nadiif ah” ayuu yiri Trump.

Waxaa madaxweynaha taageeray, maamulaha laanta ilaalinta deegaanka Andrew Wheeler iyo xoghayaha arrimaha gudaha David Bernhardt kuwaas oo horey u ololeyn jiray xoojinta dhaqaalaha shidaalka iyo dhuxusha.

“In la helo dhaqaale xoggan waxay sare u qaadeysaa in la helo deegaan nabdoon” ayuu yiri Trump.

Waxaa uu sidoo kale in maamuulkiisa uu hirgeliyay malaayin shaqo ah oo ku saabsan Tamarta.

Trump waxaa uu sidoo kale dhaleeceeyay siyaasadahii dowladdii hore ee Obama ay ku wajaheysay isbadallada cimilada dunida oo ku sheegay inuu waday ‘dagaal ka dhan ah Tamarta’

Waxaa uu ka dhawaajiyay in heshiiskii Paris ee isbaddallada cimilda mid caddaalad darro ah oo aanan loo dhameyn.

Dadka u ololeeyo ilaalinta deeganaka ayaa ku eedeeyay Trump inuu diiradda saarayo dhaqaalaha laga helo shidaalka intii uu ka qeyb qaadan lahaa dagaalka ka dhanka ah isbaddallada cimilda.

BBC

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300