Published On: Sun, Jan 13th, 2019

Ciidamada Jubbaland oo Saaka dulaan ku ah deegaano ay maamulaan Al shabaab

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Jubbaland ay Saaka ka ruqansadeen Degmada Afmadow ayagoo dulaan ku ah deegaano ay gacanta ku hayaan Al shabaab.

Ciidamada ka ruqaansaday aaga afmadow ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay wadeen diyaargarow iyo abaabul uu hormuud u ahaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (AxmedMadoobe) kaso kormeer dhiiragalin ah ugu tagey xiryaha ay ku xaeesnayeen.

Ciidamada oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa labo jiho kaga ambabaxay degmada Afmadow, waxaana qorshahooda koowaad yahay sidii deegaanada hoos-yimaada Afmadow ula wareegi lahaayeen, kaddibna uga gudbi doonaa Gobolka Jubadda Dhexe.

Maamulka Jubbaland ayaa qorshihiisu waxa uu yahay sidii ay Al shabaab uga fara maroojin lahaayeen Gobolka Jubbada Dhaxe oo gibi ahaantii ay maamulaan..

Warar ayaa sheegaya in Axmed Madoobe qorshihiisa ugu weyn aytahay sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa Magaalada Bu’aale oo ah Caasimada rasmiga ah ee Jubbaland.

Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in qorshuhu yahay in Doorashada Madaxtinimada Maamulka Jubbaland lagu qabto Bu’aale ayadoo Axmed madoobe hadii ay usuuragashay in uu gacanta ku dhigo Bu’aale ay noqon doonto waxqabad uu owrkiciyo olalahiisa doorashada.

Axadle

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300