3 qof aaya la sheegay inay ku geryoodeen,tira kalana ay kud haawacmeen ka dib markii Dabley hubeysan ay Jidka u galeen gaari Xamuu siday kuna Rasaaseeyeen Halak Lagu magacabaao Fiilo dheere oo ka tirsan Degmada warsheekh.
Dadka Rakaabka ah ee Dhaawacu ka soo agaray weerarkaan ayaa la sheegay in loola soo Cararay dhaawacooda isbitaalada Muqdisho,waxaana la tilmamay in Deegaanka warsheekh ay ka jirto Xiisad u dhaxeysa Beelo Halkaasi degan
Maleeshiyada Weerarka gaysatay ayaa la sheegay in falkan ay u gaysteen aano qabiil oo daba socota dagaalo bilo ka hor halkaas ka dhacay.
Beelaha halkaas ku dagaalamay ayaa la sheegay in ay isku Hub uruursanayaan, waxayna waxgaradka degmada Warsheekh ay wadaan dadaallo ku aadan sidii loo kala dhex gali lahaa labada beelood oo laga cabsi qabo in ay isku dhacaan.