 Xarakada Alshabaab oo Saka si Nabad ah kula wareegay Deegaanka Diif ee Gobolka Jubadda Hoose ,ka dib markii Ciidamada Raas Kaanbooni ay isag baxeen
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Diif ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Al-Shabaab ay saakay si nabad galyo ah kula wareegeen.
Lawareegista deegaankaas ee Shabaab ayaa timid kadib markii Ciidamada Axmed Madoobe ay isaga baxeen Deegaanka Diif.
Wax Dagaal ah kama aysan dhicin Diif, waxaana saraakiisha Shabaab ay shacabka usheegeen in ay isdajiyaaan
dadka Deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada Raas Kanbooni ee uu Hogaamiyo sheekh Axmed Madoobe ay ku sugan yihiin meel aan ka fogeyn Diif lagana cabsi qabo inay soo rogaal celiyaan
|