 Warar ku dhow dhow Ciidamada Dowlada KMG iyo Kuwaa Amisom ee ku sugan Jiidaha dagaalka ee ka baxsan Magaalooyinka Afgooye iyo balcad ayaa waxa ay sheegayaan inay ku Jiraan diyaar garow adag oo ay ku doonayaan inay saacadaha soo socda kula wareegaan Magaalooyinka Marka iyo jowhar ee ee gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha dhexe.
Diyaargarowga Cioidamada isgarabsanaya ayaa la sheegay in siw eynlooga dareemay deegnadaasi iyagoo hada u kala jira 2 magaalo qiyaas ka yar 30KM Marka la fiiriyo waxaana ay kaabiga u saaran Yihiin sidii ay ula wareegi alahayeen.
dhinaca kale alshabaab ayaan la ogeyniany difaacan doono Marka iyoM jowhar iyo in kale waxaan labada magaalo dadka ku dhaqan ee rayidka ah la soo |darsay cabsi xoogan iyagoo ak baqanaya in lagu kor dagaalamo.
degmada baraawe ayaa la sheegay in Ciidamo Fara badan oo ka Tirsan xarakada alshabaab iyo saraakiil ka Tirsan xarakada Alshabaab ay difaac xoogan kaga jiraan waxana Baraawe ay u muuqataa Goob ay alshabaab ka difaaci doonaan Kismaayo oo ah fariisinka ugu weyn ee ay gacanta ku hayaan
|