Ciidamada Qalabka Sida ee DKMG oo Maanta Gaado ka ciyaar ka sameeyay Wadooyinka faras Magaalaha Muqdisho,iyo 1 Lulliyo oo sanadkaan si weyn Loo xusay
Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta gaado ka ciyaar iyo socod waxa ay Ku sameeyeen wadooyinka magaalaada Muqdisho gaar ahaan Wadada Maka Mukarama oo aheyd jawigedu mid aad u heer sareeyay,waxana Munaasabaadaasi Muusiga astaanta calanak kaa garaacayay Kooxda Banbeyda oo Wacdaro halkaasi ka muujiyay.
Ammaanka oo si aad ah loo adkeeyay ayaa Ciidamada oo wehliya Kooxda Muusikada Baambeyda ay socod ka soo bilaabeen wadada Maka Al-Mukarama, iyagoo ku tagaya ilaa Stadium Conis, halkaasoo isu soo bax ballaaran uu saaka ka jiro.
Boqolaal dadweyne ayaa ku qul qulaya Conis Istadium, si ay ugu dabaal degaan xuska 1-da Luulyo, waxaana dadweynaha ay wataan astaamo muujinaya qaranimada Soomaaliya, waxaana qaarkood ay huwan yihiin Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.
Ka sokow dabaal dega saaka ka jira Muqdisho oo ahaa kii u horeeyay noociisa oo sanadihii u dambeeyay aan laga dhigin ayaa ku soo beegmaya xilli xalay Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay oo ka dhacday Madaxtooyada uu Madaxweynaha ka qeyb galay, isla markaana xalay saqdii dhexe lagu saaray Calanka Jamhuuriyada.
Idaacadaha ka howl gala Magaalada Muqdisho ayaa si isku mid ah uga hadlaya Munaasabada 1-da Luulyo, iyagoo tabinaya barnaamijyo la xiriira dabaal degyada oo dal iyo dibad laga dhigay, waxaana Idaacaduhu yihiin kuwo wararkoodii kale ka door biday munaasabadan 1-da Luulyo dabaal dageeda.
Jawiga magaalada ayaa inkastoo uu degan yahay, hadana waxaa wadooyinka yihiin kuwo xiran oo kaliya dadka shacabka loo ogol yahay, gaadiidkana aan loo ogoleyn, si shacabka ugu dabaal dego, Ciidamadana ay socod dheer ah ku maraan.
Dhinaca kale waxaa ka socda Gobolada dalka banaan baxyo lagu weynaynayo xuska 1-da Luulyo, waxaana ka mid ah meelaha ay ka dhacayaan deegaanada Puntland, Gobolka Galgaduud, Gedo, Baydhabo iyo Beledweyn iyo deegaanadii u dambeeyay ee laga saaray Al-Shabaab.