Published On: Tue, Jul 16th, 2019

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo lagu qarxiyay Gobolka Hiiraan

Ciidamo ka tirsan AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya ayaa qarax miino lagula eegtay agagaarka deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Sida wararku sheegayaan qaraxan ayaa haleelay mid ka mid ah kolonyada ciidamada oo ku sii jeeday saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Halgan oo u dhaxeeya Beledweyne iyo Buulo Burde.

Al-Shabaab ayaa qoraalo ay ku daabaceen baraha Internet-ka waxay ku sheegeen in gaari Uuraal ah ay qarxiyeen, ayna dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 20 askari.

Ma jirto war ka madax banaan sheegashada Al-Shabaab oo ka soo baxay Ciidanka AMISOM iyo kuwa Itoobiya, inta badan Kooxda Al-Shabaab ayaa qaraxyo miino u dhigtay Kolonyada Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee isu kala goosha deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada dalka.

Jowhar

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300