Published On: Wed, Jul 10th, 2019

Xukun dil ah oo saakay lagu fuliyay Sadex nin oo weeraray Hotel kuyaala Muqdisho

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay sadex nin oo lagu helay in ay katirsanaayeen dagaalyahanada Al Shabaab sidoo kale weerar ka fuliyay Muqdisho.

Sadexdan dhalinyaro ee saakay xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa kadambeeyay weerar lagu dilay dad ka badan 20-qof oo lagu qaaday hotelka Naasa-Hablood 2 ee magaalada Muqdisho, 28 bishii October ee sanadkii 2017.

Maxkamada ciidamada qalabka sida  ayaana saakay fagaaraha Iskool buluusiya ee magaalada Muqdisho ku toogatay  Farxaan Maxamed Samatar, C/naasir Dhaqane  iyo Abshir Maxamed Xaaji.

Ragan saakay la toogtay ayaa Maxkamada ciidamada qalabka sida xukun dil ah ku riday 30/05/2018, waxaana xukunkaas lagu riday sadexdan eedeesane saakay lagula fuliyay magaalada Muqdisho.

Xukunada dilka ah ay fuliso dowlda Soomaaliya ayaa aad u yaraaday labadii sano ee lasoo dhaafay, waxaana inta badan xukunada dilka ah dowladan ku fulisay xubno katirsan Al Shabaab oo weeraro ka geestay Muqdisho.

Allbanaadir

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300