Published On: Tue, Jul 9th, 2019

Ciidanka Amniga oo Marka ku qabtay 4 dhagar-qabe oo siday qarax

Ciidanka Qaranka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen magaalada Marka ku soo qabtay Afar dhagarqabe oo ka tirsan Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab.

Dhagabar qabayaasha ayaa xilliga la qabtay waday Qarax ay ku soo dhex qariyeen Jawaan ay ku jirtay Ganlay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka.

Labo dumar ah ayaa ku jira Dhagar qabayaasha ay ciidamadu gacanta ku dhigeen, oo waliba mid ka mid ah ay Uur leedahay.

Tan ayaa cadayn u ah in Awooda argagixisadu haatan ay aad u liidato oo ay wiiqeen ciidanka dowladda, haatana ay isku dayaan inay adeegsadaan Haweynka iyo Caruurta.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa mudooyinkaanba aad u sii xoojiyay dagaalada ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamadu ay deegaano badan kala wareegeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Radiomuqdisho

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300