Published On: Thu, Jun 27th, 2019

Muxuu ku soo dhamaaday Kulankii Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Cadaado

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kulan la qaatay Xildhibaanada iyo Mas’uuliyiinta ka soo jeeda degmada Cadaado, iyadoo kulankan ahaa mid albaabada u xirnaa.

Kulankan oo xalay saqdii dhexe ka dhacay hoyga Ra’iisul Wasaaraha uu ka degay Cadaado ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Senator Abshir Bukhaari, Xildhibaan C/raxmaan Odawaa, Xildhibaan Cabdi Saabir, sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa Wasiirka Howlaha Guud Qoor Qoor iyo Xildhibaan Abtidoon Yare oo labaduba taabacsan Xukuumadda.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in la isku afgartay in arrimaha Galmudug wadatashi laga wada yeesho, oo aan la isku mucaaradin, si aayaha Galmudug meel wanaagsan loo geeyo.

Labada dhinac ayaa muujiyay sida loogu baahan yahay in lala yimaado isu tanaasul iyo waxqabad dhab ah, si dadka deegaanka loogu horseedo maamul mideysan.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xalay ku hoyday Cadaado ayaa la filayaa in maanta kulan la qaato Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaana kulankan noqon doonaa mid gaar ah oo labada dhinac uga hadlaan aayaha Galmudug.

Jowhar

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300