Published On: Thu, Jun 27th, 2019

Dagaal goor dhow ka qarxay degmada Wanle-weyn & Warar ugu dambeeyey

Sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray dagaal ayaa saaka qarxay degmada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose kaasoo u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed.

Dagaalka ayaa la soo sheegayaa inuu ka socdo gudaha iyo hareeraha degmadaas, iyadoo la isku adeegsanayo rasaas xoogan iyo hub kale oo daryankooda laga maqlayo meelo ka durugsan degmadaas.

Waxaa gebi ahaan xiran ganacsiga degmada Wanle weyn iyo socodkii dadka iyo gaadiidka, waxaana dadka degmadaas qaarkood la sheegay iney bilaabeen barakac, iyagoo ka cabsi qaba inuu saameeyo dagaalka, maadaama ay ka soo jeedaan beelaha dagaalamaya.

Xaalada degmada Wanle-weyn ayaa cakiran, lamana oga weli waxa uu dagaalkan salka ku hayo iyo khasaaraha soo gaaray shacabka lagu dul-dagaalamayo iyo dhinacyada halkaas isku haya, maamulka degmadaas iyo kan gobolka Sh/hoose ayaana illaa hadda dagaalkan ka hadlin.

Allbanaadir

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300