Published On: Sun, Mar 24th, 2019

Mareykanka: Maxaa ka soo bixi doona warbixintii Mueller ee muddada la sugayay?

Aqalka sare ee Mareykanka ayaa ka dhursugaya warbixinta Robert Mueller ee ku aaddan ololihii Trump iyo Ruushka, iyadoo la filayo inuu maanta warbixin ka soo saaro.

Robert Mueller ayaa loo xil saaray baaritaanka xiriirka ka dhaxeeya olihii madaxtinnimada madaxweyne Trump iyo Ruushka.

Warbixintan oo muddo labo sano ah la sugayay ayaa Jimcihii loo gudbiyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee William Barr.

Sarkaal ka tirsan waaxda caddaaladda ayaa sheegay in warbixintu aysan ku jirin eedeymo cusub.

Muddadii uu baaritaanka socday, Mr Mueller iyo kooxdiisa ayaa dacwado ku soo oogay 34 qof – oo ay ku jiraan lix ka tirsan shaqaalaha Trump iyo shakhsiyaad Ruushka u dhashay – iyo sidoo kale saddex shirkadood.

Eedeymahaas ayaanan si toos ah u quseynin ololihii madaxtinnimada ee Trump iyo xukuumadda Moscow – oo uu madaxweyne Trump mar walba beenin jiray.

Mueller ayaa la sheegay inuu sidoo kale baaritaan ku sameeyay in Trump uu meel uga dhacay sharciga oo uu hor istaagay baatritaan ay FBI-da ku wadday xiriirka u dhaxeeya ololihiisii iyo Ruushka.

Weli ma cadda inta ay la ektahay xogta ku jirta warbixinta ee bulshada lala wadaagi doono. Mr Barr ayaa go`aansan doona sidoo kale xogta lala wadaagayo aqalka sare.

Mr Barr, oo uu magacaabay Trump, ayaa madaxda aqalka sare u sheegay Jimcihii inuu yahay qof aanan dhinac ahayn.

‘Daawo oo sug’

Mr Barr ayaa shalay sagaal saacadood ku qaatay waaxda caddaaladda. Madaxweynaha ayaa dhanka kale aaday hoteelkiisa ku yaalla Florida, ee Mar-a-Lago, halkaas oo uu ka qadeeyay waqtina ku qaatay.

Beryahanba wuu ka aamusnaa baraha bulshada, kumana uusan sheegin in warbixintii Mueller la soo gudbiyay.

Maxaa laga yeeli doonaa warbixinta Mueller?

Sida sharciga ah, ma jiro wax xeer-ilaaliyaha guud ku qasbaya inuu warbixinta la wadaago bulshada, xogta uu la wadaagayo aqalka sarena waxay noqon kartaa mid kooban, balse wuxuu hore u sheegay inuu la wadaaagi doono inta uu awoodo.

BBC somali

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300