Published On: Mon, Mar 18th, 2019

Nin hubeysan oo toogasho ka billaabay magaalada Utrecht ee dalka Holland

Nin hubeysan ayaa xabado ku furay meel laga raaco tareenada oo ku taalla magaalada Utrecht ee dalka Hollad, halkaasi oo dhowr qof uu ku dhaawacay, sida ay booliiska sheegeen.

Goobtan oo lagu magacaabo Fagaraaha 24 October, ayaa waxaa xiray booliska, waxaana loogu yeeray baabuurta gurmadka deg degga ah.

Toogashada ayaa dhacday 10:45am xiliga magaalada Utrecht oo ku beegan 1:45pm xilliga magaalada Muqdisho.

Ninka weerarka fulinaya ayaa la sheegay inuu aad u qeylinayey sida laga soo xigtay dad goobjoogeyaal ah.

Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa uu yahay ninkan hubeysan, iyo ujeedkiisa midna, waxaana booliska ay sheegene in weli aysan gacanta ku dhigin.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300