Published On: Sat, Mar 16th, 2019

Madaxweyne Gelle Oo Soo Gaaray M/Muqdish

Madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Gelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa wafdigan ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Xildhibaano, wasiiro, saraakiil ciidan, abwaano iyo fanaaniin ayaa booqashadan ku wehlinaya madaxweynaha Jabuuti, taas oo qaadan doonto muddo labo cisho ah.

Labada madaxweyne ayaa lagu wadaa in ay xarigga ka jaraan Safaaradda cusub ee Jabuuti ka dhisatay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashi xoog leh oo ay yeeshaan wadamadaan.

Radioshabelle

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300