Published On: Thu, Feb 14th, 2019

Tahriibayaal Lagu Qabtay Boosaaso

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in taliska Booliska magaaladaasi ay gacanta ku dhigeen gawaari siday dad tahriibayaal ah.

Taliyaha Booliiska magaalada Boosaaso General Muxidiin Axmed Muuse ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan ilaa todobo gaadiid oo ay saarnaayeen dad la doonayay in laga tahriibiyo magaalada Boosaaso.

Sidoo kale taliyaha Booliiska Boosaaso ayaa tilmaamay in ay la wareegi doonaan gaadiidkaasi isla markaana ay maxkamad soo taagi doonaan ragii wax tahriibinayay.

Dhawaan ayey aheyd markii maamulka Puntland uu soo saaray amaro diidaya in laga tahriibo magaalada Boosaaso,cidii ay falkaasi ku soo qabtaana sharciga la horgeyn doonaan.

RadioMuqdisho

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300