Published On: Thu, Feb 14th, 2019

Haweenay u Basaasaysay Iran oo Dambi lagu Helay

Sarkaal hore oo ka tirsaneyd ciidanka cirka ee Maraykanka, qeybtiisa sirdoonka, taas oo u carartay dalka Iran 6 sano ka hor ayaa lagu soo eedeeyey inay dawladda Iran siisay macluumad dhinaca militariga la xiriira oo aan la ogoleyn in la ogaado.

Wasaaradda Caddaaladda Maraykanka ayaa Arbacadii shalay shaaca ka qaadday in Monica Elfriede Witt oo 39 jir ahi ay dawladda Iran ka caawisay sidii ay u bartilmaamesan lahaayeen.

Xeerbeegti arrinta Monica Witt eegaysay ayaa ku helay in, sidoo kale, ay Iran ka taageertay bartilmaameedsiga ugu yaraan siddeed xubnood oo ka tirsna sirdoonka Maraykanka oo ama ay la shaqeysay ama ay kulmeen.

Haweenayday ayaa loo jaray in la soo qabto in kasta oo la aamisan yahay in dalka Iran ay ku sugan tahay.

VOA

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300