Published On: Mon, Feb 4th, 2019

Madaxii shirkadda DP World ee Boosaaso oo la toogtay iyo Alshabaab oo sheegatey dilka

Guddoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay dilka Paul Anthony Fermosa oo saaka lagu toogtay magaalada Boosaaso.

Shirkadda DP ayaa maamushaa dekedaha Boosaaso iyo Berbera ee Somaliland.

Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa sannadkii lasoo dhaafay ansixiyay hindise sharciyadeed ka mamnuucaya shirkadda DP World inay ka howlgasha Soomaaliya kaddib markii ay ku eedeeyeen inay ku xadgudbeyso madax banaanida dalka.

wararka waxay sheegayaan in isla goobta lagu toogtay ninkii weerarka fuliyay.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda ninkii saaka lagu dilay gudaha magaalada Boosaaso.

Al Shabaab waxay sheegeen in saaka weerar qorsheysan ay ka fuliyeen Boosaaso kaaso lagu beegsaday agaasimaha shirkadda DP World qeybta magaalada Boosaaso.

Paul Anthony Fermosa ayaa saaka lagu toogtay halkaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300