Published On: Sun, Jan 20th, 2019

Weriyeyaal u shaqeynayay idaacada Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa soo bandhigtey magacyada qaar ka mid ah weriyaal ka howlgalayay idaacada ku hadasha codkaururka Al-Shabaab oo lagu diley weerar duqeyn ah.

Weriyaasha ka tirsanaa ururka Al-Shabaab ee duqeyntan lagu diley ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Feysal Yare, Maxamed Aadan Nasrudiin, Cabdikariim Seyfulah iyo Xasan Cabdiraxmaan.

Duqeyn ka dhacday Gobolka Jubada Dhexe ayaa lagu burburiyey Xaruntii Idaacadda Maleeshiyaadka Al Shabaab taas oo ku taalay Degmada Jilib.

Diyaaradaha Mareykanka oo kaashanaya Malatariga Soomaaliya ayaa kordhay duqeymaha ay la beegsanayaan Saldhigyada Al-Shabaab ay ku leeyihiin qaar ka mid ah Gobalada dalka.

Hase yeeshee duqeyn shalay laga fuliyey duleedka magaalada Kismaayo ayaa dowlada Maraykanka ku sheegatay inay ku dishey in kabadan konton kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Jowhar

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300