Published On: Thu, Jan 17th, 2019

Kenya”Waxaan dilnay 5 qof oo weerarka fuliyay, 2 kalena waa loo xiray

Tan iyo markii Alshabaab ay weerar ka geysteen Hotel Dysitd2 ee xaafadda Westland ee magaalada Nairobi Kenya talaadadii la soo dhaafay,waxaa dowladda Kenya laameheedi ammaanka ay ku raad joogeen sidii loo heli lahaa macluumaad sax ah oo ku saabsan khasaaraha halkaasi ka dhashey.

Ilaa 21 qof ayaa lagu soo waramaya in tirada dhimashadu ay gaartay sida ay warbaahinta u sheegen saraakiisha laamaha ammaanka dalkaasi Kenya.

waxaa la la’yahay ilaa 19 qof sida lagu shegay warar ay baahinayaan warbaahinta caalamka oo soo xiganaya hadal ka soo baxay hjay’adda Laanqeyrta Cas ee Dalkaasi Kenya k ahowlgasha.

Kenya Joseph Boinnet oo ha taliyaha ciidanka booliska dalka Kenya ayaa u sheeegay wakaaladda Wararka Faransiiska AFP in ay toogasho ku dileen ilaa 5 qof oo ahaa ragii fuliyay weerarkii k adhacay Dusitd2 hotel ee magaaladaasi Nairobi.

Sidoo kale Waxaa ay xireen ciidamada ammaanka dalka Kenya labo qof oo loog ashakisan yahay in ay ku lug lahaayeen fulinta weerarkii talaadadii dhacay,kuwaasi oo laga soo qabtay xili ay ku sugnaayeen xarumohooda oo ay u dheceen ciidanka booliska.

Madaxweynaha dalkaasi Kenya Uhurru Kenyatta ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen 14 qof halka 700 kalena laga soo bad baadiyay,wuxuuna ku baaqay in lag ahortago falalkaasi argagixisanimada leh.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300