Published On: Thu, Jan 10th, 2019

Injineer Yarisow oo ka hadlay arrin uu Thaabit “ku baxay”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yarisow) oo ka hadlay magaalada Muqdisho aya soo hadal qaaday waxa sannadkan uu noqon doono maqaamka magaalada Muqdisho.

Injiner Yarisow aya sheegay in sannadkan 2019-ka uu yahay sanad laga tashan doono maqaamka magaalada Muqdisho iyo sidii dadka reer Muqdisho ay uga tashan lahaayen aayahadooda.

“Sannadkan waa sannadkii u diyaar garowga doorashooyinka, sannadkii dhameystirka dib u eegista dastuurka, sannadkii maqaamka Muqdisho bulshadeeda aayahooda ay uga tashan lahaayeen oo ay ula mid noqon lahaayeen gobolada kale ee dalka”. Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintani horay uga soo saaray qoraal uu ku caddaynayo in isaga oo qura uu guddoomin karo, go’aanna ka gaari karo maqaamka caasimadda, dhanka kalena wuxuu baarlamaanka ku baaqay in laga fogaado wixii keenaya xasilooni darro siyaasadeed.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300