Published On: Mon, Dec 31st, 2018

Wariye caan ah oo loo magacaabay Guddoomiyaha degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa si lama filaan ah u magacaabay Ismaaciil Mukhtaar Cumar Oranjo oo ahaa weriye caan ah oo ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye Yariisow ayaa waxaa sidoo kale xilka looga qaaday Sharma’arke Ladane oo ahaa Guddoomiyihii degmadaas.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhowr jeer isbedelo ku sameeyey degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana uu magacaabay illaa afar degmo.

Shalay ayay aheyd markii uu magacaabay Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, iyadoo guddoomiyihii xilkaas hayay Axmed Xasan Geedow uu shaqo joojin ku sameeyay kuxigeenkiisa.

Magacaabida xilalka degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa horay waxaa u sameyn jiray Wasiirka Arrimaha Gudaha, kaddib marka uu soo jeediyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, hase ahaatee shanta degmo ee illaa hada la magacaabay ayaa ku soo baxay wareegto uu ku saxiixnaa Guddoomiye Yariisow.

Jowhar

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300