Published On: Thu, Dec 27th, 2018

Xilliga la qabanayo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo la shaaciyay

Kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe ayey gudidgan isla qaateen in 31-da bishan sii dhamaaneyso ee December ay nooqta maalinta ay isu imanayaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland, 20-ka bishan ayey eheyd in la soo dhameystiro Xildhibaanada cusub, balse waxey dib uga dhacday 11 berri. 3-da January ee Sanadka cusub, ayey Xildhibaanada soo dooran doonaan Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa, halka 5-ta bishaas ay soo magacaabi doonaan Xildhibaanada Guddigii soo dooran lahaa Madaxweynaha cusub ee Puntland. 8-da Jnauary, ayaa la qabanayaa doorashada Madaxweynaha sida uu qorshuhu yahay, waxaana u tartamaya 24 musharax oo uu ku jiro C/Weli Maxamed Cali (Gaas) oo Puntland soo maamaulayay tan iyo 2014-kii January Sideedeeda. Garoowe waxaa hareeyay ololaha ay sameynayaan Musharixiinta, waloow laga yaabo in tirada 24-ka ah ay yaraadaan, marka Gudidga Doorashada ee Baarlamaanka ka imanaya soo bandhigaan SHuruudaha laga doonayo Musharaxa tartamaya.

Doorahsada Puntland, ayaa sanadan ka xamaasad badan kuwii hore, waxaana isha lagu hayaa kaalinta Dowladda Somaliya ay ku yeelan doonta Doorashada Madaxweyne ee dhaceysa bilowga bisha danbe, iyadoo lawada ogsoon yahay faragelintii Dowladda ay ku leheyd doorashadii Baydhabo ka dhacday 19-kii bishan. Garoowe, waxaa haatan ka socda maalmihii u danbeeyay ee lagu soo dhameystirayo Xildibaanada cusub ee Baralamaanka Puntland,

waxaana amniga sugaya Ciidamada amaanka, kuwaasoo ka feejigan weeraro iyo falala amni darro iney dhacaan Caasimada Puntland.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300