Published On: Sun, Dec 23rd, 2018

Madaxweynaha JFS oo Dowladda iyo shacabka Sacuudiga uga tacsiyadeeyay geerida Amiir Talaal Bin C/casiis

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abdullahi Farmaajo ayaa tacsi u direy  Boqorka Dowladda aan walaalaha nahay ee Sacuudiga Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud, isagoo uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Amiir Talaal Bin C/casiis oo 87-jir ahaa.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa baahisay inuu geeriyooday Amiir Talaal Bin C/casiis oo ahaa Aabaha Maalqabeenka weyn ee Sacuudiga, Al-waliid Bin Talaala, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladda Sacuudiga sannadihi 1950-aadkii ilaa 60-aadkii, wuxuuna soo noqday Wasiirkii Isgaarsiinta iyo Maaliyadda ee dalkaasi.

Sidoo kale, Madaxda ka tacsiyadeeysay geerida Amiir Talaal Bin C/casiis ayaa waxaa ka mid ah Ku-xigeenka Ra’iisal wasaaraha ahna Wasiirka Difaaca dalka Kuwait Sheikh Nasser Sabah Al-Ahmed Al-Sabah.

Sheekh Nasser Sabah Al-Ahmed Al-Sabah ayaa Alle uga baryay amiirka geeriyooday inuu u naxariisto,samir iyo imaanna Alle ka siiyo qoyska boqortooyada iyo shacabka Sucuudiga

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300