Published On: Sun, Dec 23rd, 2018

Al-Shabaab oo weeraray kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar dhabba gal ah ku qaaday kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo Saraakiil Ciidan oo ku sii jeeday degmada Maxaas.

Kolonyada Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa saaka ka soo baxay magaalada Beledweyne, iyadoo loo galay wadada u dhexeysa degmooyinka Maxaas iyo Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad xooggan uu dhex maray maleeshiyaadkii ka tirsanaa Al-Shabaab iyo ciidamadii la socday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, waxaana markii dambe la sheegay in maleeshiyadii Shabaab ay goobta isaga carareen.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo kolonyadiisa ayaa markii dambe iska sii watay socodkooda, iyadoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo weerarka ka soo gaaray.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa gaaray degmada Maxaas, halkaasoo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay dagaalo ku dhex marayeen labo maleeshiyo beeleed.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta labada beeleed ee dagaalamaya.

Dagaalada labadii maalmood ka socday deegaano hoos taga Maxaas ayaa la sheegay inay ku dhinteen labaatameeyo ruux.

JOWHAR

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300