Published On: Wed, Dec 5th, 2018

Wasiirka Waxbarashadda XFS oo magaaladda Qaahira kula kulmay Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo safar shaqo ku jooga dalka Masar ayaa magaaladda Qaahira waxa uu kulan kula qaatay Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abul Qeyd.

Labadaasi Masuul ayaa kawada hadlay Horumarinta Waxbarashadda dalka, Tababarada Macallimiinta iyo siddii dib loogu dhisi lahaa dugsiyaddii lagu baranayey Afka Carabiga ee ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax iyo Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abul Qeyd ayaa Sidoo kale waxay kawada hadleen siddii Jaamacadda Carabta ay door muhiim ah uga qaadan lahey shirka looga hadlayo arrimaha waxbarashadda Soomaliya, kaasi oo ka dhaci doona dalka Kuwait.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300