Published On: Fri, Oct 19th, 2018

Taliyaha CXDS: “Kismaayo waxaan u nimid inaan kormeerno, xaqiijinno, ogaanno xaaladda dhabta ah ee Qaybta 43-aad”

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa maanta gaaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa taliyaha ku qaabbilay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Kismaayo, wuxuuna Jeneraal Indha-qarshe ka mahad celiyay sidii diirranayd ee loo maamuusay.

Jeneraal Daahir Aaden Cilmi, ayaa sheegay inay booqashadiisa Kismaayo ku saabsan tahay in uu Indha-indheyn ku sameeyo una kuur-galo xaaladda Qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Kismaayo waxaan u nimid inaan kormeerno, xaqiijinno, ogaanno xaaladda dhabta ah ee Qaybta 43-aad, oo ah qaybaha ugu muhiimsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sababta aan u leennahayna waxa weeye waa meesha ugu badan ee Xuddunta u ah Nimankaas Argagixisada ah, marka qasab bay nagu tahay inaannu aad iyo aad ugu kuurgalno”ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha ayaa qaybtan 43-aad ku tilmaamay mid ahmiyad weyn u leh, maaddaama ay ka howl-gasho goobaha ugu badan ee ay Ciidamada xoogga Dalku kula dagaallamaan Kooxda cadawga ah ee Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay taliyuhu inuu aaminsan yahay in haddii uu Ciidanka ku sugan degaannada Jubbaland helo Agab Militeri oo ku filan in uu cirib tiri karo kooxaha Argagagixisada, kana saarayo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan, kana dul qaado dhibta saran Shacabka Soomaaliyeed.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300