Dunida oo u dhutin doonta dagaalka ganacsi ee Shiinaha iyo Maraykanka
Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa ka digtay in dagaalka u dhaxeeya Maraykanka iyo Shiinaha uu hoos u dhigi doono kobaca dhaqaalaha adduunka, uuna dunida ka dhigi doono mid sidan ka fiqiirsan oo ka halis badan.
Hay’adda lacagta adduunka ayaa soo jeedisay digniintan markii ay soo bandhigaysay qiimaynteedii u dambaysay ee ku aadanayd sida ay u aragto dhaqaalaha dunida.
IMF waxay hoos u dhigtay kobacaha dhaqaalaha ee la filayo sannadkan aan ku jirno iyo midka soo socda.
Hay’addu waxay sheegtay in dagaal ganacsi oo buuxa oo dhexmara Maraykanka iyo Shiinaha uu wax wayn u dhimi doono ka soo kabashadii shaqaale xumida.
Madaxa arrimaha dhaqaalaha ee hay’adda ayaa sheegay in caqabado dheeri ah oo ganacsiga soo foodsaara ay saamayn doonto, guryaha, ganacsiyada iyo dhaqaalaha guud.