Published On: Mon, Oct 8th, 2018

Dowladda Jabaan iyo AMISOM oo dib u dhis ku sameeyay Saldhigga Boliiska Dayniile

AMISOM ayaa Saraakiisha Boliiska Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir ku wareejisay Saldhigga Boliiska Deyniile oo dib dayactir ballaaran ay ku samaysay Dowladda Jaban oo kaashanaysa waaxda arrimaha Bulshada ee Ciidanka Midowga Afrika.

Taliyaha Ciidanka Boliiska AMISOM,Mss, Christine Alalo oo munaasabaddii lagu wareejinayay Saldhiggan ka hadashay ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka caawinayaan tayaynta kaabayaasha iyo dhismaha awoodda Ciidanka.

Christine Alalo , ayaa sidoo kale sheegtay inay AMISOM ka go’an tahay inay tababarto oo ay qalabeyso Cidamada Boliiska, si ay u helaan xirfado lagama maarmaanka u ah,in ay daboolaan baahiyaha ka jira Dalka oo dhan.

Saldhiggan dib u dayactirka lagu sameeyay, ayaa sidoo kale lagu soo kordhiyay qaybo cusub, waxaana lagu xiray Nalalka ku shaqeeya Cad-ceedda, iyadoo Ciidankana loo qaybiyay 3,000 oo Buug Gacmeed ah, si ay ugu adeegsadaan diiwaan gelinta dhacdooyinka, sida ay sheegtay Mss, Alalo.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ms, Zakiya Hussein, ayaa ugu mahad celisay AMISOM dedaalkii udub dhexaad u ahaa howshan ee ay ku bixisay dib u dayactirka Saldhiggan, iyo caawinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dadka ku dhaqan Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho, ayaa aad u soo dhoweeyay Saldhiggan dib loogu hir-geliayay degaankooda, kaas oo ay ka heli karaan adeegyada ay u baahan yihiin.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300