Published On: Tue, Sep 25th, 2018

Abaanduulaha Ciidanka xoogga oo sheegay in la isku furay wadada xeebta ee Muqdisho iyo Marka

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in la isku furay wadada xeebta ee isku xirta Muqdisho iyo Marka, kaddib markii Al-Shabaab laga saaray deegaano dhaca Xeebta.

Jen. Odawaa oo la hadlayay Idaacada codka Ciidamada ayaa sheegay in Al-Shabaab wadada ka geysan jirtay dhibaatooyin kala duwan, waxaana uu balan-qaaday ammaanka wadadaas inay ka shaqeyn doonaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in intii howlgalka uu socday ay khasaare fara badan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka oo maalmihii la soo dhaafay howlgalo ka waday wadada xeebta ayaa la wareegat deegaanada Gendershe, Dhanaane, Jilib Marka iyo deegaano kale.

Howlgalka ka socday jidka u dhaxeeya Muqdisho iyo Marka ayaa waxaa kaliya fulinayay Ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka.

Jowhar.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300