Published On: Sun, Sep 16th, 2018

Xildhibaano Aqalka sare ka tirsan oo gaaray Garoowe

Federaalka Soomaaliya u diro Dowlad Goboleedyada dalka si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda ayaa saaka ka ambabaxay Magaaladda Muqdisho.

Wafdigan ayaa ku wajahan Dowlad Goboleedka Puntland, Ujeedka Safarka ayaana ah xog ururrin dhab ah iyo xal waara sidii loo heli lahaa.

Golaha Aqalka Sare oo shalay isugu yimid shir aanan caadi ahayn kana dhacay xarunta Aqalka Sare ayaa si wadar-ogol ah ku ansixiyay go’aankii Guddiga joogtada uu gaaray September 12, 2018 oo ahaa in loo diro Dowlad Goboleed kasta guddi soo baara una kuurgala xaaladda siyaasadeed, amni, nololeed, bulsho, iyo arrimaha federaalka ee ka jira Dowlad Goboleedyada, si loo ogaado xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Dowlad Goboledyada isla markaasna xal loogu heli lahaa xaaladda hadda taagan.

Aqalka Sare oo gudanaya wajibkiisa dastuuriga ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300