Published On: Sun, Aug 19th, 2018

Xildhibaan C/qaadir Gaafow Maxamuud oo iska casilay Xubinnimadii Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaan C/qaadir Gaafow Maxamuud oo ka mid ahaa Xildhibaanadii sanadkii 2016 laga soo doortay degmada Cadaado ayaa iska casilay xubinnimadii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Sida uu shaaciyay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran, Xildhibaan C/qaadir Gaafow ayaa iska casilay Xildhibaanada sabab aan la sheegin.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay inuu bilaabay howsha soo buuxinta saddex kursi oo ka banaan Golaha Shacabka, kuwaasoo doorashadooda ka dhaceyso magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

C/qaadir Gaafow ayaa ka mid ahaa illaa sideed kursi oo la doortay sanadkii 2016, kuwaasoo doorashadooda sharciyadooda shaki la geliyay, waxaana Guddiga xalinta khilaafaadka ay soo saareen in dib loogu celiyo, iyadoo doorasho ku celis ah ku galay magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kursiga uu banneeyay Xildhibaan C/qaadir Gaafow uu isku sharaxi rabo walaalkiis Jen. C/llaahi Gaafow oo sanad ka hor laga qaaday Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Guddiga doorashooyinka ayaa dhowaan doorashada kursigan ku qaban doona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Jowhar.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300