Published On: Mon, Jul 16th, 2018

Wararkii ugu dambeeyay shirka Brussels iyo Axmed Madoobe oo lagu qanciyay inuu shirka ku soo biiro shirka

Wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu qanciyay inay shirka ku soo biiraan, kaddib markii ay goor dhoweyd diideen inay ka qeyb galaan.

Dadaalo ay sameeyeen Midowga Yurub iyo xubno ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ugu dambeyn lagu qanciyay inuu shirka ka qeyb galo.

Wafdiga Jubbaland ayaa ka diiday markii hore ka qeyb galka furitaanka shirka, kaddib markii ay ashtako ka keeneen wax ka bedelka ajandaha shirka iyo hab maamuuska oo la jebiyay.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa sheegaya in laga raalli geliyay qaladaadkii yaraa ee dhacay, waxaan wada hadalo kaddib dib ugu laabteen shirka.

Madaxweynaha Jubbaladn Axmed Madoobe ayaa hadda hareer fadhiya madaxda kale ee maamul goboleedyada, kaddib saacado uu ka maqnaa safkooda.

Shirka Brussels oo socon doona labo maalmood ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda Soomaalida sida Madaxweyne Farmaajo, madaxda maamul goboleedyada, Wasiirada, xubno ka socda Ururada bulshada, xubnaha beesha caalamka iyo wakiiladooda Soomaaliya u jooga.

Jowhar.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300