Published On: Sat, Jun 23rd, 2018

Qarax ka dhacay Fagaare Ra’isul Wasaaraha Itoobiya kula hadlayay Kumanaan dad ah

Qarax xoogan ayaa ka dhacay fagaaraha Meskel Square ee magaalada Addis Ababa, xili uu halkaasi kumanaan taageerayaashiisa ah kula hadlay Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed .

Fagaaraha ayaa mar qura laga maqlay qaraxa kadib markii uu Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed u khudbeeyay Kumanaan dad ah oo si weyn u taageersan isbadalada cusub uu dhawaan ku dhawaaqay.

Ciidamada ilaalada gaarka ah ee Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa si deg deg ah isugu gadaamaday Ra’idul Wasaaraha, waxa ayna ciidamada oo goobta ka kaxeeyay Abi Ahmed geeyeen goob amaan ah.

Sida ay qoreyso Wakaalada Wararka ee reuters dhowr qof ayaa dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen qaraxan, waxaana mar qura fagaaraha Meskel Square ee magaalada Addis Ababa ka dhacay kala orod iyo argagax.

Qaraxa ka dhacay fagaaraha uu ku sugnaa Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaan wali la xaqiijin nuuca uu ahaa, sidoo kale wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan ka dhacay magaaladsa Adis Ababa.

 

allbanaadir

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300