Published On: Sat, Jun 23rd, 2018

Ciidamada DFS Oo Howlgallo Ka Sameeyay Degmada Waabari

Ciidamada ammaanka ee dowladdda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa yimid, kadib markii xalay fiidkii hore Bambaanooyin lagu weeraray xarunta degmadaasi.

Waxaana la sheegay in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay tiro dhalinyaro ah oo looga tuhamayo weerarkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Waabari oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in haatan baaritaano ay ku socdaan dadkaasi.

Xaaladda ayaa hada dagan, iyadoona saakay caadi uu ku soo noqday dhaq dhaqaaqii dadka iyo ganacsiga ee degmadaasi.

 

RadioShabelle

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300