Published On: Tue, Jun 12th, 2018

Howlgallo Ka Dhan Ah Al Shabaab Oo Ka Bilaabanaya Duleedka Balcad

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Balcad iyo saraakiisha Ciidamada milatariga dowladda ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan ka yeeshay arrimaha ammaan ee degmadaasi.

Kulanka oo muddo saacado ah socday ayaa waxaa diirada lagu saaray, sida looga hortagi karo weerarada Al Shabaab ay ka geystaan gudaha magaaladaasi iyo deegaanada hoos yimaada.

Qaasim Cali Nuur guddoomiyaha degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay kulankaasi.

Guddoomiye Qaasim ayaa sheegay in howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ay ka bilaaban doonaan guud ahaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaana uu tilmaamay in Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay duulaan ku yihiin deegaanada ku dhow dhow degmada Balcad, si halkaasi looga saaro Al Shabaab.

Ammaanka Waddada xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aan wanaagsaneyn, iyadoona dhowr jeer Al Shabaab weeraro dhabo gal ah ay ka fuliyeen Waddadaasi.

RadioShabelle.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300