Published On: Sun, May 27th, 2018

Ciidamadda Yuhuuda oo duqeeymo ay ka geeysteen qasa ku dilay dad Falastiiniyiin ah

Laba qof oo Falastiiniyiin ah ayaa la dilay, mid kalena dhaawac halis ah ayaa ka soo gaaray duqayma Ciidamada Isra,iil ay saakay la eegteen magaalada Qasa ee dhulka reer Falastiin.

Warfidiyeenada ku sugan Magaalada Qasa ayaa sheegaya in taangiyada Ciidamadda Yuhuuda ay duqeyeen gooba ay ku sugnayeen dad rayid ah oo ku yaala koofurta magaalada Qasa.

Isra,iil ayaa dhankeeda sheegeysa in duqemaha ay ku burburiyeen qalab qaraxyada loo adeegsada oo ay la hayeen Xamaas.

Markii ay duqeeymaha dhaceen kadib, ayay Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiiniyiinta ku dhawaaqday dhimashada laba qof, oo ka dhalatay duqeyntii ka dhacday bariga Magaalada Rafax ee ku taalla Koonfurta Qasa.

Ciidamadda Isra,iil ayaa beryahii danbe weeraro iyo duqeeyma is daba joog ah ka geeysanaya dhulka reer Falastiin, waxii kadanbeyay markii uu dib u cusbonaaday isku dhacyada Falastiiniyiinta & Yuhuuda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300