Published On: Thu, May 24th, 2018

Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay Wasiiradii ka banaanaa Xukuumaddiisa

  1. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa magacaabay Wasiiradii ka banaanaa Golihiisa Wasiirada, iyadoo illaa lix Wasiir cusub la magacaabay, Labo Wasiiru dowle iyo Shan Wasiir kuxigeen.

Wareegtada ka soo baxday Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu dhameystiray xubnihii ka banaanaa Golihiis Wasiirada ayaa waxaa ka dhex muuqda xubno cusub, halka xubno horay xilalka qaar hayay loo kala bedelay.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Daahir Maxamuud Geelle oo loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta oo xilkan horay u soo qabtay, sidoo kale waxaa uu ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Sacuudi Carabiya.

Inkastoo 5 Wasiir ay ka banaaneyd Xukuumadda ayaa waxaa xilkii Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta laga qaaday Saadaq C/llaahi Cabdi oo xilkan loo magacaabay bishii August ee sanadkii hore, waxaana uu ahaa xilkii uu ka geeriyooday Cabaas Siraaji.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ayaa loo magacaabay C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey.

Hadaba halkan hoose ka akhriso Magacyada.

Xilalka Wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay Wasiiradii ka banaanaa Xukuumaddiisa

1- Xasan Macalin Xuseen Wasiirka Ow-qaafta Arrimaha Diinta

2- Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaashanadhigga

3- Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta

4- C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) Wasiirka Tamarta iyo Biyaha

5- Xamza Saciid Xamza Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka

6- C/fataax Maxamed Ibraahim Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta

Wasiiru dowlayaasha

1- Daahir Cabdi C/llaahi Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha

2- Maxamuud Maxamed Buunow Wasiiru dowlaha Amniga

Wasiir kuxigeenada

1- Isxaaq Maxamed Maxamuud Wasiir kuxigeenka arrimaha Gudaha

2- Aadam Isaaq Cali wasiir kuxigeenka Warfaafinta

3- C/raxmaan Iidaan Yoonis Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta

4- Maxamed Saciid C/llaahi Wasiir kuxigeenka Caafimaadka

5- C/rashiid Maxamuud Xasan Wasiir kuxigeenka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka

Jowhar

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300