Published On: Thu, May 24th, 2018

Dagaalkii Tuka-raq oo dib usoo labo kacleeyay

Wararka maanta kasoo baxaya deegaanka Tuka-raq ee lagu muransan yahay ayaa sheegaya in dagaal uu dib uga qarxay halkaas, kaas oo u dhexeeya ciidammada Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo ciidammada Puntland.

Ilaa hadda lama ogo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq.

Taliyaha guud ee ciidammada militariga Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa BBC-da u sheegay in dagaal u dhexeeyo ciidammada Somaliland iyo Kuwa Puntland uu subaxnimadii saaka ku dhexmaray aagga laisgu khilaafsan yahay ee Tuka-raq oo ka tirsan gobolka Sool.

Taliyaha ayaa ku eedeeyay ciidamada Puntland inay weerar kusoo qaadeen saldhigyada ay ciidankoodu halkaas ku lahaayeen xilli ay difaac ku jireen, waa sida uu hadalka u dhigay ee.

Dhanka kale, war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in ciidammada Somaliland ay aroornimadii saaka dagaal ku qaadeen ciidanka Puntland ee joogay Tuka-raq islamarkaaasna mas’uuliyadda weerarkaasi ay dusha u ridanayso Somaliland.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in duullaan uu uga imaanayo dhanka Hargeysa balse ay iska difacaayaan, waa sida lagu sheegay warka kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

Dagaalka Tuka-raq ayaa indhawaalaba socday, labada dhinacna midba midka kale ayuu ku eedeynayaa dagaalka.

Waxaa jiray baaqyo caalami ah oo lagu dalbaday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka.

Dhawaan ayay ahayd markii ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating uu booqasho ku kala bixiyay Puntland iyo Somaliland isaga oo ku baaqay in colaadda la joojiyo wadahadalna lagu dhammeeyo.

BBC Somali

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300