Published On: Fri, May 18th, 2018

Soomaali 28 jir ah oo loo doortay duqa Magaalada Sheffield ee dalka Britain

Nin Soomaali ah balse heysta dhalashada dalka Britain ayaa loo magacaabay Maayorka magaalada Sheffield.

Magid Magid oo horey u soo noqday qaxooti, ayaa noqonaya qofkii Soomaali ah ee u horeeyay ee magaaladaas Mayor ama duq magaalo ka noqda waana 28 jir waxaana uu noqonayaa Mayorkii ugu yaraa ee magaaladaasi.

Isagoo shan sano jir ah ayaa la keenay magaalada Sheffield ka dib 6 bilood oo isaga, walaalihii iyo Hooyadii ay kujireen xero qaxooti oo Itoobiya ku taala ka dib markii ay a soo carareen dagaaladii ahliga ahaa ee Somalia ka dhacay.

waxaana uu sheegay inuu rajeynayo inuu isbedel wanaagsan sameeyo isagoo u mahadceliyay dadkii doorka weyn ka qaatay isasoo sharixidiisa isla markaana soo garab istaagay.

Dhallinyaro Somaliyed oo dalka ka cararay mudadii burburka ayaa xilal muhiim ah ka qabtay dalalkii ay magangelyada ka heleen ka dib dedaal badan oo ay muujiyeen.

Allbanaadir

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300