Published On: Thu, May 17th, 2018

Madaxweynaha JFS oo Hambalyo ku aadan dhalashada Bisha barakeysan ee Ramadaan u diray Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan u diray Muslimiinta oo dhan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Madaxweynaha ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in la iscafiyo oo la isku naxariisto islamarkaana la is caawiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka wax haysta in ay afuriyaan bishan barakeysan ee Ramadaan kuwa kale ee aan waxbo haysan.

Dhinaca kale Guddoonada labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wadaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa hambalyo ku aaddan dhalashada bisha barakaysan ee Ramadan u diray Shacabka Soomaaliyeed.

Jowhar

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300