Published On: Wed, May 16th, 2018

Xaaladda Deegaanka Tukaraq Oo Saakay Dagan

Waxaa saakay dagan xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kadib markii shalay iyo Xalay ay ku dagaalameen maamullada S/land iyo kuwa Puntland.

Xaalad deganaansho ah oo aaan Cago badan ku taagneyn ayaa lagu soo warramayaa in ay ka taagan tahay gudaha deegaankaasi.

Balse weli waxaa halkaasi isku hor fadhiyaan Ciidamo kala taabacsan maamullada Soomaaliland iyo Puntland.

Dhinaca kale Siyaasiga Daahir Cirro oo ka mid siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo ka hadlay xiisadaasi ayaa nasiib daro ku tilmaamay dagaallada ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Waxaana uu sheegay in looga baahan yahay dhinacyada isku haya halkaasi in ay si shuraad la’aan ah ku joojiyaan dagaalkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300