Published On: Wed, Apr 25th, 2018

Dil ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xalay wiil dhalinyaro ah waxa ay ku dileen xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa, waxaana baxsaday ragii hubeesnaa ee dilkaasi geestay.

Sida aan Wararka ku helnay ruuxa la dilay ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysan jiray mooto bajaajta, waxaana dilka uu ka dhacay boosteejada laga raaco baabuurta ee xaafada Suuqa Xoolaha.

Ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya ayaa mudo kadib gaaray halka uu dilku ka dhacay, waxaana ciidamadaasi baaritaano ay sameeyeen ku guul dareesteen in ay soo qabtaan ragii dilkaasi fuliyay.

Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal qorsheesan oo loo geesto dadka shacabka ah iyo sidoo kale dadka u shaqeeya dowlada, waxaana inta badan sharciga ka baxsada dableyda dilalka geesata.

Allbanaadir

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300