Published On: Wed, Apr 25th, 2018

Dagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Sh/ Hoose

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada AMISOM oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidamada Uganda oo marayay deegaanka Ceel-Wareegow ee gobolkaasi.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa in labada dhinaca uu ka soo gaaray dagaalkaasi, inkastoo aan so dhab ah loo xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Al Shabaab oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa guulo ka sheegtay, waxaana barahooda ay ku baahiyeen in ay ku gubeen weerarkaasi illaa 3 Gawaari oo kuwa dagaalka ah.

Sidoo kalena khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiyeen Ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada AMISOM oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Basle xaaladda ayaa hadda dagan, waxaana goobihii lagu dagaalamay dhaq dhaqaaqyo ka wada Ciidamada AMISOM iyo kuwa milatariga Soomaaliya.

RadioShabelle

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300