Published On: Tue, Apr 24th, 2018

Ninkii gaariga dadka ku jiirsiiyay Toronto oo su’aalo la weydiinayo

Booliska dalka Canada ayaa su’aalo weydiinaya darawalkii waday baabuur Isniintii la jiirsiiyay dad lugeynayay, woqooyiga magaalada Toronto, dhacdadaasi oo ay ku dhinteen 10 qof isla markaana ay ku dhaawacmeen 15 qof oo kale.

Alek Minassian, oo ah 25 sano jir ayey booliska sheegeen inaysan aqoon hore u lahayn.

Ninkan ayaa isaga baxsaday goobta, hasayeeshee waxaa lagu qabtay meel aan sidaasi goobta uga fogeyn xabsiga ayaana loo taxaabay.

Raiisal Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa sheegay”inuu ahaa weerar argagax iyo naxariis darro ah ” ayna keentay “murugo aad u weyn”

Hase yeeshe ,sargaal ku sugnaa goobtaa ayaa waxaa lagu ammaanay inuusan rasaas ku furin ninkan oo loomaleynayay inuu hubeysnaa

Muqaal uu baahiyay telefishinka CBC ayaa tusinaya nin qori wax u eg ku taagayey booliska kuna dhawaaqayay “idil”

Booliska ayaa ka codsanayey ninkan inuu fariisto ,ka dib markii uu sheegay inuu haysto qori ,sargaal ka tirsan saraakiishii ku sugnaa goobtaasi ayaa yiri”waxba igamagallin qorigaada ee fariiso”.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in aanay weli ogaan sababta ninkan ku dhalisay inuu weerrarkan gaysto.

goobjoogayaal ayaa sheegay in gaarigu uu ku socday xawaare aad u sarreeya.

Wasiirka Badqabka Dadweynaha ee Canada, Ralph Goodale, ayaa dhacdada ku tilmaamay inay tahay mid khatar ah hasayeeshee waxa uu diiday inuu ka hadlo waxa sababay arrintan.

Weerarka ayaa ka dhacday waddada Finch saacaddu markii ay aheyd 1:30 duhurnimo xilliga Canada.
Goobta uu ka dhacay weerrarka gaariga dadka lagu jiirsiiyay
Meel halkaasi u jirta 30 km ayaa waxaa ku shirayay wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka ku midoobay G7, kuwaas oo ay ka mid yihiin Canada, Mareykanka, Britain, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Japan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300