Published On: Fri, Apr 13th, 2018

Abaabul dagaal oo ka dhan ah Alshabaab oo ka socda deegaanada Hirshabeele

Iyadoo deegaano k atirsan hirshabeele ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah maleeshiyada ALshabaab ayaa maanta Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa Maanta gaaray Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Saraakiil ka socotay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya,taasi oo qeyb ka ah qorshe lagu xoojinayo dagaalkaasi.

Ujeedka ayaa ahaa ka qeybgalka munaasabad uu xilka kula wareegayay guddoomiyaha cusub ee degmadaasi Mahadaay ee Gobolka SHabeelada Dhexe,iyadoo halkaasina lageeyey ciidamo lagu xoojiyo amniga deegaankaasi,sida uu soo sheegayo wariyeheena Abuukar Maxamed Bacaadle.

Guddoomiyaha cusub ee maamulka degmadaasi Mahadaay Axmed Xuseen Afrax oo maanta xilka la wareegay ayaa ka codsaday bulshada in ay kala shaqeeyaan amniga iyo horumarka deegaanka.

Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka Maxamed Maxamuud Macalin Koronto oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la xureyn doono dhammaan deegaannada Hir-shabeelle inta ka maqan gacanta Dowlada oo ay maamulaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Taliye Koronto ayaa intaasi ku daray in dhawaan ay qaadi doonaan howlgal ballaaran oo Alshabaab looga sifeynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Hirshabeele.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300