Published On: Wed, Apr 11th, 2018

Mid kamid ah Dowladaha Carabta oo sheegtay in Soomaaliya ku abaal dhacday Imaaraatka

Waxaa sii xumaaday Xiriirka diblumaasiyadeed ee xiligan u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta oo mar kamid ahaa dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Bahrain Sheikh Khalid Binu Ahmed Al-Khaliif, ayaa ku eedeeyay Dowlada Soomaaliya in ay ku abaal dhacday abaalkii lama ilaawaanka ahaa ee u gashay dowlada Imaaraatka Carabta.

Qoraalka uu bartiisa Twitterka soo dhigay Wasiirka Arimaha Dibada Baxrain ayuu ku sheegay in Dowlada Soomaaliya marnaba aysan xusuusan wanaagii iyo waxtarkii Dawlada Imaaradka Carabta u gashay xiliyadii adkaa.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Dowlada Imaaraarka Carabta wax badan usoo qabatay Soomaaliya sida dhinaca gar gaarka ah , la dagaalnaka kooxaha burcad badeeda, sidoo kale Imaaraatka lagu qabtay shirar Soomaaliya muhiim u ahaa.

Dowlada Baxrain ayaa kamid ah dowladaha Isbaheysiga la ah Dowlada Imaaraatka Carabta, waxaana warkan kasoo baxay Dowladaasi u muuqdaa mid lagu taageerayo Dowlada Imaaraartka Carabta.

Xiriirkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta ayaana isbuucan sii xumaaday, kadib markii Ciidamada amaanka garoonka Aadan Cadde ku qabteen lacag malaayiin Dollar oo Dowlada Imaarataka dalka soo galineysay.

Allbanaadir

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300