Published On: Sat, Apr 7th, 2018

IGAD oo loogu baaqay in kulan deg deg ah ka yeeshaan Xiisada Siyaasadeed ee Somalia

Xiisad siyaasadeed ayaa ka dhax aloosan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xiisadan ayaana saameyn badan ku yeelatay howlihii iyo shaqooyinkii Hay’adaha kala duwan ee dowlada Soomaaliya.

Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya oo ka hadlay xiisada Siyaasadeed ee ka dhax aloosan Baarlamaanka ayaa sheegay in saameyn badan ku yeelatay xiisadan howlihii hey’adaha dowladda.

Waxa uu ugu baaqay Aadan Barre Urur Goboleedka IGAD in la qabto kulan deg deg ah oo looga hadlayo xiisada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya si loo ilaaliyo guulihii laga gaaray dhinaca amniga .

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya ayaa uga digay Dowlada Imaaraarka Carabta in ay wiiqdo madax banaanida dadka Soomaaliyeed iyo howlaha hey’adaha sharciga .

Beesha Caalamka ayaa qoraal ay horey usoo saartay kula talisay Madaxda Dowlada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ee iska soo horjeeda in khilaafka dhaxdooda ah ku xaliyaan hab sharci ah.

Allbanaadir

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300