Published On: Fri, Apr 6th, 2018

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo beeniyay wararka sheegaya inuu is casilayo Jawaari

Iyadoo saacadihii la soo dhaafay ay baraha bulshada qabsadeen warar ku saabsan inuu is casilayo Guddoomiye Jawaari ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada taageersan waxay waxba kama jiraan ku tilmaameen wararkaas.

Xildhibaano dhowr ah ayaa baraha bulshadooda ku soo qoray in warka ku saabsan in Jawaari is casilayo uu yahay mid been abuur ah oo lagu marin habaabinayo shacabka.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa sheegay in Jawaari aanu is casileyn, isla markaana uu aaminsan yahay in lagu kala baxo Dastuurka iyo sharciga.

Sidoo kale Xildhibaan C/wali Qanyare ayaa sheegay in Jawaari aanu is casileyn, isla markaana Guddoomiyaha uu heysto cod ku filan

Dhinaca kale xiriiro aan la sameynay xafiiska Guddoomiye Jawaari ayaa nalooga xaqiijiyay in warka ku saabsan is casilaada ee lala wareegayo baraha bulshada uu yahay mid aan waxba ka jirin.

Jowhar

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300