Published On: Tue, Apr 3rd, 2018

Xildhibaanada Taageersan Jawaari oo Digniin cusub soo saaray

Xildhibaano taageersan gudoomiyaha baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay ka digeen in kulan aan loo dhamayn la qabto maalinta Arbacada ah ee soo socota.

Waxay ku eedeeyeen masuuliyiinta Xukuumada iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Cabdi weli Muudey inay fowdo ka wadaan dalka ayna ka shaqeynayaan iney u wax dhimaan nidaamka dowladeed ee ka jira.

“Waxaan aaminsannahay haddii la isku dayo in shir lagu bedelayo kii sabtidii lagu qabto Muqdisho Arbacada waxay dhalin doontaa xiisad ka weyn tii Sabtidii dhacday.”ayaa lagu yiri shir jaraa’id ee ay qabteen xildhibaanada taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxayna ugu baaqeen madaxweynaha inuu wax ka qabto arintan.

Xiisad siyaasadeed iyo kala qeybsanaan loo maaro la’yahay ayaa weli ka dhex aloosan baarlamanka Somalia kuwaasoo ka dhalatay mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari, mana cadda halka xaalku ku dambeyn doono.
Axadletimes

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300